HomeWararWasiir Dubbe oo safar aan la shaacin ugu dhoofay Magaalada London

Wasiir Dubbe oo safar aan la shaacin ugu dhoofay Magaalada London

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe uu safar qarsoodi ahaa ku aaday Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiiriiska. Xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la hadlay Dalsan ayaa xaqiijiyay in Wasiir Dubbe uu qaatay fasax gaaban, isla markaana uu ku doonayo in […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe uu safar qarsoodi ahaa ku aaday Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiiriiska.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la hadlay Dalsan ayaa xaqiijiyay in Wasiir Dubbe uu qaatay fasax gaaban, isla markaana uu ku doonayo in Ehelkiisa oo ka degan London uu lasoo Ciiddo.

- Advertisement -

Socdaalka Dubbe ayaa kusoo aaday, xili dalka uu galay Isbedel siyaasadeed oo weyn, kadib markii Maanta Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo uu Arrimaha doorashada iyo amniga ku wareejiyay Ra’iisu Wasaare Maxamed Rooble.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Maxamed Dubbe ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa Wasiirka kaliya ee difaacayay siyaasadda Dowladda Federaalka gaar ahaan muddo kordhintii la sameeyay, balse Maanta Golaha Shacabka ay dib uga laabteen, dibna u soo celiyay heshiiskii 17-kii September.

Latest stories