HomeWararImaamyo Soomaali ah oo tujin jiray SalaadaTaraawiixda oo la dilay

Imaamyo Soomaali ah oo tujin jiray SalaadaTaraawiixda oo la dilay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka ayaa waxaa habeenkii xalay lagu dilay laba Wiil oo Muwaadiniin Soomaali Mareykan ah, kuwaasi oo Salaada taraawiixda ka tujiyay Masjid lagu magacaabo Al-Taqwa ee ku yaalla Magaalada oo ay imaamyo ka ahaayeen Labada Wiil oo isla socday kana soo baxay Masjidka ayaa waxaa Wiil kale oo ay walaalo ahaayeen […]

- Advertisement -

Magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka ayaa waxaa habeenkii xalay lagu dilay laba Wiil oo Muwaadiniin Soomaali Mareykan ah, kuwaasi oo Salaada taraawiixda ka tujiyay Masjid lagu magacaabo Al-Taqwa ee ku yaalla Magaalada oo ay imaamyo ka ahaayeen

Labada Wiil oo isla socday kana soo baxay Masjidka ayaa waxaa Wiil kale oo ay walaalo ahaayeen kana weynaa uu si bareer ah u toogtay, xili ay geli rabeen gurigooda, iyagoona isla goobta ku geeriyoday, sida aan wararka ku helnay.

- Advertisement -

Dad Soomaali ah oo ku sugan Mareykanka ayaa ku warramay in Wiil kale oo isna ahaa Muwaadin Soomaali Mareykan, xaafidul Qur’aan oo da’diisa lagu sheegay 16 sanno jir oo salaadii Maqrib ka tujiyay Masjidka Al-Taqwa uu dilay Nin cadaan ah.

Falalkaas dhacay kadib ayaa waxaa la xiray Caawa Masjidka Al-Taqwa, waxaana goobta ay dilalka ka dhaceen laga qaaday Meydadka Muwaadiniinta Soomaalida ah, iyadoona dadka aad uga naxeen markii ay maqleen dhacdadaan.

Magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in 10 sanno kahor siyaabo kala duwan loogu dilay hooyada iyo aabaha dhalay  Wiilashada Soomaalida ahaa ee isla dhashay, kuwaasi oo u dilay walaalkood ka weynaa.

- Advertisement -

Labada Wiil oo da’doodu kala aheyd 14 iyo 15 sanno jir ayaa ahaa xaafidul Qur’aan, kuwaasi oo Salaada taraawiixda Bisha ramadaan ka tujinaayay Masjid lagu magacaabo Al-Taqwa.

Latest stories