HomeCaalamkaSacuudiga oo sheegay in la xiri doono Dugsiyada Turkiga ku leeyahay dalkooda

Sacuudiga oo sheegay in la xiri doono Dugsiyada Turkiga ku leeyahay dalkooda

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xiro Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaaro dabayaaqada sanadkan 2021-ka. Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xiriir la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xiro Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaaro dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xiriir la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada loo laabo dhamaadka sanadkan.

- Advertisement -

Wasaaradda Tacliinta Scuudiga waxay qoraalka Go’aankaasi si toos ah ugu gudbiyeen Dugsiyada ku yaalla Goblladda W/Galbeed Tabuuk, Riyadh, Taa’if iyo Jeddah.

Saraakiil Sacuudiyaan ayaa waxay kaloo booqdeen Dugsiyada Turkishka ee ku yaalla Goballadda Dammaam iyo Abha, si ay Maamulayaasha Dugsiyadaasi ugu wargeliyaan Go’aankaasi.

Dugsiyada Turkishka ee ka furan Goballadda Maka iyo Madiina ayaa waxaa iyagana saamayn doona Go’aankaasi.

- Advertisement -

Wasaaradda Tacliinta Sacuudiga waxay kaloo sheegtay in Dugsiyada Turkishka la xiri doono marka uu dhamaado sannad-dugsiyadeedka haatan socda.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in 2,256 Arday oo dhigta Dugsiyadaasi oo aan si fiican u aqoonin Luqadda Carabiga ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmi doonaan haddii ay Tacliintooda ku sii wataan Manhajka la xiriira Wasaaradda Tacliinta ee Sacuudiga.  Ustaad Nuradin

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts