HomeCaalamkaSuxufiyiin u dhashay Spain oo lagu dilay mid kamid ah Dalalka Afrika

Suxufiyiin u dhashay Spain oo lagu dilay mid kamid ah Dalalka Afrika

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Labo Saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo Nin u dhashay dalka Ireland oo u ololeeya Duur-joogta ayaa lagu dilay weerar Jidgal oo xalay ka dhacay Bariga dalka Burkina Fasa. Shisheeyahaasi waxaa la xaqiijiyey inay Kooxo hubeysan qafaasheen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Ilaha Ammaanka ee dalkaasi. RW Spain, Pedro […]

- Advertisement -

Labo Saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo Nin u dhashay dalka Ireland oo u ololeeya Duur-joogta ayaa lagu dilay weerar Jidgal oo xalay ka dhacay Bariga dalka Burkina Fasa.

Shisheeyahaasi waxaa la xaqiijiyey inay Kooxo hubeysan qafaasheen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Ilaha Ammaanka ee dalkaasi.

- Advertisement -

RW Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in Labada Saxafi ee lagu dilay dalka Burkina Faso lagu kala magacaabi jirey David Beriain iyo Roberto Fraile.

Suxufiyiintaasi la dilay waxay ku hawlanayaaeen Filim Dukumentari oo ku aadan qaabka ay Maamulayaasha dalka Burkina Faso uga hortagaan Ganacsiga Foolka Maroodiga.

Dableyda weerarka geysatay waxaa la sheegay markii ay weerarka fulinayeen inay wateen 2 gari oo nooca dusha ka furan (two pick-up vehicles) iyo Tobaneeyo  mootooyin.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Spain, Arancha Gonzalez Laya waxay xaqiijisay in labada mayd ee laga helay dalka Burkina Faso ahaayeen Suxufiyiintii Spanishka ee la la’aa tan iyo Isniintii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Dowladda Ireland waxay sheegtay inay ka war hayaan in qof u dhashay Ireland lagu dilay weerarkaasi, isla markaana ay La-hawlgalayaasha Caalamiga si dhow kala shaqeynayaan arrintaasi.

Latest stories