HomeWararXildhibaano ka tirsan labada Aqal oo kulan la qaatay Xasan Sheekh

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo kulan la qaatay Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaanada iyo Xasan Sheekh ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee Mgaalada Muqdisho iyo dagaaladii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga dowladda ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo. Xildhibaanada la kulmay […]

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada iyo Xasan Sheekh ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee Mgaalada Muqdisho iyo dagaaladii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga dowladda ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo.

- Advertisement -

Xildhibaanada la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerar ay sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo kusoo qaadeen hoyga Xasan Sheekh uu ka degan yahay agagaarka Isgoyska Mirinaayo.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa tilmaamay inay garan taagan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana wax la aqbali karo aysan aheyn in weerar lagu qaado  Madaxweyne horey dalka xilka uga soo qabtay.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa maalin kahor sheegay inay weerar kusoo qaadeen hoygiisa Ciidamo ka tirsan dowladda, wallow Wasiirka amniga Xukuuadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale uu sheegay in aan weerar lagu qaadin Xasan Sheekh.

Latest stories