HomeWararMaxaa ka jira in Waan-waan laga dhex bilaabay Dowladda iyo Mucaaradka?

Maxaa ka jira in Waan-waan laga dhex bilaabay Dowladda iyo Mucaaradka?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ay bilaabeen dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hayeeshee xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kororsiga ayaa sheegaya in uusan jirin wadahadal iyo xiir dhexmaray Mas’uuliyiinta dowladda ee xilligoodu dhammaaday.

Madaxweyne Qooqroor iyo Cali Guudlaawe ayaa warar soo baxayay sheegayeen inay Dowladda iyo Mucaaradka ka dhex wadaan waan-waan lagu xalinayo dagaalkii dhacay, waxaana wararkaas beeniyay xubno ka tirsan Musharaxiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa iska soo duubay Muuqaal kooban ayaa waxaa uu ku sheegay in dagaalkii ka dhacay Caasimadda lagu dhameyn doono wadahadal, isla markaana xal laga gaari doono khilaafka jira.

Rooble ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka Shacabka, ayna ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Arrintaan ayaa muujineysa suurtagalnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadi difaacyo iyo dhufeyso carro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan walwal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories