HomeWararFarmaajo oo ka qeyb galay Dhaarinta Guddiga M/Bannaan ee la-dagaallanka Musuqa

Farmaajo oo ka qeyb galay Dhaarinta Guddiga M/Bannaan ee la-dagaallanka Musuqa

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goobjoog u ahaa Munaasabadda dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee la Dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha is dul istaagay sida Dowladda Federaalka ay uga go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, isaga oo muujiyey muhiimadda uu Guddigu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed si loo hirgeliyo hannaanka isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadeed ee Dalka.
“Maanta waxaa la idiin dhaariyey masuuliyad weyn oo heer qaran ah. Waxaan idin ka sugeynaa in aad xaqiijisaan hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adkeynta isla xisaabtanka, ilaalinta hantida shacabka iyo dabar goynta musuqmaasuqa oo dib u dhigay horumarka dalkeenna.”
Madaxweyne  Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiinta Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Kuxigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories