HomeWararMaamulka Galmudug oo Ciidamo geeyay degaano iyo abaabul socda

Maamulka Galmudug oo Ciidamo geeyay degaano iyo abaabul socda

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maamulka Galmudug uu saakay geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulkaas. Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa la geeyay deegaanka Wisil oo hoostega Magaalada Hobyo ee Mudug, waxaana Ciidanka halkaas gaaray hoggaaminaya Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maamulka Galmudug uu saakay geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulkaas.

Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa la geeyay deegaanka Wisil oo hoostega Magaalada Hobyo ee Mudug, waxaana Ciidanka halkaas gaaray hoggaaminaya Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in dhawaan ay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka bilaabi doonaan deegaano ka tirsan Mudug oo ay ku sugan yihiin Shabaabka.

Sidoo kale, deegaanka Wasil ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan wafdi ka soca Maamulka Galmudug oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Galmudug.

Si kastaba Maamulka Galmudug ayaa horey u sheegay inay bilaabi doonaan howlgalo ay ku doonayaan inay kula  wareegaan deegaano ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyagoona wada abaabul Ciidan

Latest stories