HomeWararUrurka Jaamacadda Carabta oo shaaciyey xalka keliya ee lagu gaari karo Qabsoomida...

Ururka Jaamacadda Carabta oo shaaciyey xalka keliya ee lagu gaari karo Qabsoomida Doorashada Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xoghaynta Guud ee Ururkaasi waxa Hoggaaamiyayaasha Soomaalida loogu baaqay inay muujiyaan Caaqilnimo sare iyo inay sii wadaan Wada-xaajoodyada Siyaasadda si loo taabageliyo Doorashooyinka soo socda. Bayaanka waxaa lagu xusay in Xalka Keliya uu yahay Ikhtiyaarka ama Xulashada Wada-xaajoodyo Siyaasadeed, si Heshiis dhamaystiran looga gaaro Doorshooyinka soo socda oo dan u […]

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xoghaynta Guud ee Ururkaasi waxa Hoggaaamiyayaasha Soomaalida loogu baaqay inay muujiyaan Caaqilnimo sare iyo inay sii wadaan Wada-xaajoodyada Siyaasadda si loo taabageliyo Doorashooyinka soo socda.
Bayaanka waxaa lagu xusay in Xalka Keliya uu yahay Ikhtiyaarka ama Xulashada Wada-xaajoodyo Siyaasadeed, si Heshiis dhamaystiran looga gaaro Doorshooyinka soo socda oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed, Xoojinta Deganaanshaha Siyaasadeed iyo Amni iyo dhamaystirka dadaalada Dhaqaale iyo Horumarinta Bulsho ee Somalia.
Dhinaca kale, Bayaanka Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta waxaa lagu sheegay inay si weyn ula socdaan Arrimaha Somalia, kana walaacsan yihiin dhacdooyinkii u dambeeyey ee Somalia iyo xalladaha cakiran ee haatan ka taagan Wada-xaajoodyadii u dhexeeya DFS, Dowlad-gobaleedyada iyo dhinacyada kale ee Siyaasadeed ee ku aadan xaalladda Doorashooyinka soo socda.
Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay in Ilo Mas’uul oo ka tirsan Xoghaynta Ururka Jamacadda Carabta xaqiijiyey inay Ururka ka go’an tahay Taageeradda Somalia iyo inay garb istaagaan dadkooda dhamaan Heerarka Taageeradda ee Dhibaatooyinka xilligan iyo Caqabadaha kala duwan ee soo wajahay Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda, Dhiiri-gelinta Midnimada Qaranka iyo Horumarinta Degaaanshaha iyo Dib-u-soo-kabashada guud ahaan dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Ururka Jaamacadda Carabta kama uusan hadlin Xilli-kordhinta ee uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay iyo Go’aanadda ay QM, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka kaga soo horjeesteen Muddo-kordhintaasi, kuna baaqeen Wada-hadalo loogu gogol-xaarayo Fulinta Heshiiska Nidaamka Doorashooyinka ee ay Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada gaareen bishii September 17-dii ee sanadkii horre ee 2020-ka.

Latest stories