HomeWararShariif Sheikh Axmed oo ka hadlay go'aankii lagu cambaareyay muddo kordhinta Farmaajo

Shariif Sheikh Axmed oo ka hadlay go’aankii lagu cambaareyay muddo kordhinta Farmaajo

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay go’aankii golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta Baarlamaanku ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo. waxaa uu sheegay in aysan Soomaaliya qaadi karin xil kordhin oo […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay go’aankii golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta Baarlamaanku ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.
waxaa uu sheegay in aysan Soomaaliya qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Hoos ka akhriso Qoraalka Shariif Sheikh Shariif

- Advertisement -

Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada oo inyar oo kamid ah golaha shacabka ay sifa aan waafaqsanayd shuruucda dalka u go’aamiyeen.
Waxaan markale ku celinayaa in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.
Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan.
Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray.

Latest stories