HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo kula la qaatay Hay’adaha amniga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kula la qaatay Hay’adaha amniga

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga Caasimadda, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro ee ka dhaca […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga Caasimadda, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada.

- Advertisement -

Eng. Rooble ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka danbeeyey. Isagoo faray Wasaaradda amniga in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Caasimadda in lala shaqeeyo hay’adaha ammaanka.

Latest stories