HomeCaalamkaGeorge Floyd oo la shaaciyay in si ula kac ah loo khaarijiyay

George Floyd oo la shaaciyay in si ula kac ah loo khaarijiyay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah. Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey […]

- Advertisement -

Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah.

Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May.

- Advertisement -

Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil.

Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd.

Ninkaas ayaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta la xukumayo waxaana suurta-gal in tobonaan sano uu xabsiga ku sii jiro.

- Advertisement -

12-ka qof ee xeer beegtida ah ayay maalin ka yar ku qaadatay in arrintaan ay go’aan ka gaaraan, kaddib maxkamadayn socotay muddo saddex toddobaad ah oo qalalaase ka abuurtay Minneapolis.

Latest stories