HomeCaalamkaMadaxweye ku-xigeenkii hore ee dalka Mareykanka oo geeriyooday

Madaxweye ku-xigeenkii hore ee dalka Mareykanka oo geeriyooday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweyne ku-xigeenkii dalka Mareykanka Walter Mondale xilligii Jimmy Carter ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay qoyskiisa. Mondale wuxuu ahaa 93-jir, waxaana qoraal ka soo baxay qoyskiisa lagu yiri “Waa murugo aad u weyn inaan idinla wadaagno warka ah in aabaheen oo aan aad u jecleyn uu […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenkii dalka Mareykanka Walter Mondale xilligii Jimmy Carter ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay qoyskiisa.

Mondale wuxuu ahaa 93-jir, waxaana qoraal ka soo baxay qoyskiisa lagu yiri “Waa murugo aad u weyn inaan idinla wadaagno warka ah in aabaheen oo aan aad u jecleyn uu geeriyooday”

- Advertisement -

Waxaa lagu sheegay Mondale inuu ahaa codkar wax badan ka badalay siyaasadda mareykankaa, gaar ahaan xisbiga dimoqraadiga oo uu ka tirsanaa, wuxuuna sanadkii 1984 u tartamay xilka madaxweynaha Mareykanka, waxaana cod aqlibiyada leh uga adkaaday Ronald Reagan.

Mondale wuxuu soo noqday xeer-ilaaliyaha guud gobolka Minnesota, ka hor inta aan loo magacaabin booskii Aqalka Senateka ee uu banneeyay Hubert Humphrey oo noqday madaxweyne ku xigeenkii madaxweyne Lydone Johson, kaas oo iskan iska casilay markii uu noqday madaxweyne ku xigeenka Jimmy Carter sanadkii 1976.

Geeridiisa waxaa ka tacisiyeeyay madaxweyne Jose Biden oo sheegay in Mondale uu ahaa ninkii ku soo dhaweeyay aqalka Senateka markii isaga oo da’yar uu ku soo biiray.

Latest stories