HomeWararGuddoomiye ku-xigeen ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo Qarax lagu dilay

Guddoomiye ku-xigeen ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo Qarax lagu dilay

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay gudaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka badan Magaalada Muqdisho. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda Deyniile ee Gobolka, xili uu marayay […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay gudaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka badan Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda Deyniile ee Gobolka, xili uu marayay laamiga gala Xaafada Daaru-salaam.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Guddoomiye ku-xigeenkii Siyaasada ee Deyniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Fidacow).

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Askar la socotay Marxuum Cabdi Fidacow oo saarneyd gaariga uu qaraxu haleelay, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, isla markaana waxaa uu burbur soo gaaray gaariga oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooqan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta, iyagoona soo qaaday Meydka Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha siyaasadd Deyniile, waxaana welin ka hadlin qaraxaas Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada.

- Advertisement -

Dhawaan ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay agagaarka xarunta degmada Deyniile uu ka bad baaday Xoghayaha degmada Deyniile, waxaana qarxaaasi ku dhintay dad badan oo shacab ahaa oo ku sugnaa goobta.

Latest stories