HomeCaalamkaMasar oo si lama filaan gacanta ugu dhigtay Hub badan iyo Daroogo

Masar oo si lama filaan gacanta ugu dhigtay Hub badan iyo Daroogo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Ilalaada Xuduudaha ee dalkaasi ayaa waxay sheegeen inay  burburiyeen Hulal ama godad dhulka hoostiisa ku yaalla oo laga soo gudbin jirey Tahriibyaasha, Hubka iyo Noocyada Daroogada. Afhayeenka Ciiddanka ee dalkasi, Tamer Al-Rafaaci ayaa waxa uu Bartiisa Facebook shalay soo dhigay War Saxaafadeed uu ku muujiyey dadaalka ay Ilaaladda Xuduudaha fuliyeen bishii la soo dhaafay. […]

- Advertisement -

Ciidanka Ilalaada Xuduudaha ee dalkaasi ayaa waxay sheegeen inay  burburiyeen Hulal ama godad dhulka hoostiisa ku yaalla oo laga soo gudbin jirey Tahriibyaasha, Hubka iyo Noocyada Daroogada.

Afhayeenka Ciiddanka ee dalkasi, Tamer Al-Rafaaci ayaa waxa uu Bartiisa Facebook shalay soo dhigay War Saxaafadeed uu ku muujiyey dadaalka ay Ilaaladda Xuduudaha fuliyeen bishii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in Ciidanka hawlgallo ka fuliyeen Hulul qarsoodi ah oo Kooxo Dembiilayaal ah adeegsan jireen, waxaana gacanta lagu dhigay 125,000 oo xabbo oo rasaas ah, 50 qori, 3 Telefoonada Toraayaha (Three satellite Phonse), Cadad badan oo Lacagta Giniga Masaarida iyo boqolaal tan oo noocyada Daroogada.

Afhayeenka ayaa waxaa kale oo uu tilmaamay inay burburiyeen 5 Hul (Tunnels), kuwaasi oo aan mar kale loo isticmaali doonin Tahriibinta hubka iyo Daroogada.

Afhayeenka waxa kale oo uu xusay in la qabtay 75 Gaari oo si kontorobaan looga soo gudbiyey Hulalka la burburiyey.  Waxaa kaloo la fashiliyey 2,750 Isku-dayo Tahriibin sharci-daro ah oo jihooyin kala duwan laga soo gelin lahaa.

Latest stories