HomeWararJeneraal Tuuryare oo shaaciyay inuu ka badbaaday isku day Dil

Jeneraal Tuuryare oo shaaciyay inuu ka badbaaday isku day Dil

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa xalay waxaa Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku rasaaseeyeen Isgoyska Mirinaayada ee degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir. Jeneraal Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in rasaas lagu furay gaari uu la socday isaga iyo ilaaladiisa, xili ay marayeen Isgoyska Mirinaayada, isla […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa xalay waxaa Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku rasaaseeyeen Isgoyska Mirinaayada ee degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.

Jeneraal Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in rasaas lagu furay gaari uu la socday isaga iyo ilaaladiisa, xili ay marayeen Isgoyska Mirinaayada, isla markaana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin falkaas.

- Advertisement -

Waxaa uu tilmaamay Taliyihii hore ee hay’adda NISA in Ciidamada rasaaseeyay aysan aheyn kuwii degmada Cabdicaiis ka shaqeyn jiray oo ay ahaayeen Ciidamo cusub oo xalay goobtaas la geeyay, kuwaas oo lagu magacaabo Duufaan.

Tuuryare ayaa Carabka ku dhuftay in rasaastaasi ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay, isagoo xusay in isku day dil uu ahaa falkaasi, isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono Saraakiisha Ciidamada.

Ugu dambeyn Taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneral Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa caddeeyay in Guddi loo saari doono dhacdadaas lagana jawaabi doono haddii aan laga jawaabin sababta keentay in gaarigiisa oo la yaqaano in la rasaaseeyo.

- Advertisement -

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa waxaa xalay la sheegay inay Ciidamo farabadan geeysay Isgoysyada  Muqdisho, waxaana falkaas lagu rasaaseeyay Jen. Tuuryare uu kusoo aadayaa, iyada uu Madaxeynihii hore ee dalka Xasan Sheekh uu degay agagaarka Isgoyska Mirinaayada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts