HomeCaalamkaCiidamo Boolis ah oo xirxiray Boqolaal Muslimiin ah

Ciidamo Boolis ah oo xirxiray Boqolaal Muslimiin ah

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

Booliska Bangladesh ayaa xiray boqolaal Islaamiyiin ah isbuucii la soo dhaafay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay horkacayeen banaanbaxyo dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, dalkaas booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Maarso ee la soo dhaafay. Banaanbaxyadan ayaa waxaa hogaaminayay inta badan dad ka mid ah […]

- Advertisement -

Booliska Bangladesh ayaa xiray boqolaal Islaamiyiin ah isbuucii la soo dhaafay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay horkacayeen banaanbaxyo dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, dalkaas booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa hogaaminayay inta badan dad ka mid ah kooxda Ilaaliyaasha Islaamka, kuwaa  oo Modi, ku eedeeyay inuu hurinayo rabshado diimeed ka dhan ah Muslimiinta ku dhaqan India, Booliska ayaa ku dhawaaqay qabashada hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq,  Axadii la soo dhaafay, ka dib markii ciidamada ay weerareen goob uu ka socday shir islaami ah oo ka dhacay caasimada dalkaasi ee Dhaka.

- Advertisement -

Wakaaladda wararka France Presse, soo xigatay afhayeenka u hadlay Booliska Bangladesh, ayaa yiri “Toddobaadkan, waxaan gacanta lagu soo dhigay hoggaamiyihii toddobaad ee dhaqdhaqaaqa, Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq, isagoo ku eedeeyay abaabulka dibad baxyo rabshad watay oo ay geysteen Xarakadan.

Booliska ayaa sheegay in 298  xubnood iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dhaqdhaqaaqan laga soo qabtay bariga wadanka.

Waxaa la filayaa in dacwad lagu soo oogi doono maxaabiistan loo xirxiray rabshadahii dhacay intii lagu jiray mudaharaadyadii looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo banaanbaxyadii dhacay sanadkii 2013,  oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof.

Latest stories