HomeCaalamkaIiraan oo shaacisay Nin ka dambeeyay weerarii lagu qaaday Xarun weyn

Iiraan oo shaacisay Nin ka dambeeyay weerarii lagu qaaday Xarun weyn

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa magacaabay nin ay sirdoonka dalkaas sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday xarunta nukliyeerka Natanz. Reza Karimi ayaa ka qaxay Iiraan wax yar kahor qaraxa, sida uu sheegay Network One, oo soo bandhigay sawirka ninka oo uu telefishinku sheegay inay doon doonayaan booliiska Interpol. Interpol ayaa sheegtay inaysan xaqiijin […]

- Advertisement -

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa magacaabay nin ay sirdoonka dalkaas sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday xarunta nukliyeerka Natanz.

Reza Karimi ayaa ka qaxay Iiraan wax yar kahor qaraxa, sida uu sheegay Network One, oo soo bandhigay sawirka ninka oo uu telefishinku sheegay inay doon doonayaan booliiska Interpol.

- Advertisement -

Interpol ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin in Mr Karimi uu ku jiray liiskeeda cas ee dadka la doon doonayo.

Iiraan ayaa weerarka ku eedeysay Israa’iil waxayna kordhisay howlaheeda nukliyeerka.

Israa’iil ma aysan xaqiijin mana beenin inay ku lug leedahay weerarkaas, balse raadiye dadweyne oo Israa’iil laga leeyahay ayaa ilo sirdoonka ah ka soo xigtay inuu ahaa howlgal dhanka internet-ka oo ay fuliyeen Mossad.

Latest stories