HomeWararMadaxweyne Biixi oo Amar adeg siiyay Ciidamada Milateriga Somaliland

Madaxweyne Biixi oo Amar adeg siiyay Ciidamada Milateriga Somaliland

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Maleeshiyo beeleed hubeysan oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Ceelka dhabar-dalool ee ku yaalla Waqooyi barri ee Gobolka Sool dhinaca Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maleeshiyaadka dagaalamay ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan Colaada, isla markaana xiligaan aan loo baahneyn in dhiig la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Maleeshiyo beeleed hubeysan oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Ceelka dhabar-dalool ee ku yaalla Waqooyi barri ee Gobolka Sool dhinaca Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maleeshiyaadka dagaalamay ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan Colaada, isla markaana xiligaan aan loo baahneyn in dhiig la daadiyo, isagoona farriin u diray Waxgaradka deegaanka iyo Ciidanka Milateriga Maamulka.

- Advertisement -

Biixi ayaa Waxgaradka iyo Culimada labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso faray inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, ayna dhex galaan maleeshiyaadka, si loo joojiyo khasaaraha uu sababay dagaalka halkaas ka dhacay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa Ciidamada Milateriga, Maamulka Gobolka Sool iyo hay’adaha kala duwan ee amniga ku amray inay tallaabo adeg ka qaadaan Colaadaasi soo noq-noqotay iyo cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Maleeshiyo beeleed hubeysan ku dhexmaray deegaanka Ceelka dhabar-dalool ee Gobolka Sool dhinaca Somaliland, kaasi oo salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts