HomeWararMadaxweyne Deni oo Maanta hortegaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Madaxweyne Deni oo Maanta hortegaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu hortego Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas oo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Garoowe. Madaxweyne Saciid Deni ayaa Xildhibaanada Puntland u jeedin doona khudbad uu uga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu hortego Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas oo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Xildhibaanada Puntland u jeedin doona khudbad uu uga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa uga hadli doono safarkii uu ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo fashilka Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee Teendhada Afisyooni.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku aadan in Maanta oo sabti ah uu jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galkaas kulanka oo hortegayo Deni.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho ka tegay, iyada oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada aysan wax heshiis ka gaarin khilaaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Latest stories