HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilkii Guddoomiye Maxamed Xeyle

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilkii Guddoomiye Maxamed Xeyle

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Maamulka Gobolka ayaa ka hadlay dilkii xalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Guddoomiyihii degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir Marxuum Dr. Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle). Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo Qoraaal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Qoyska, qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka ee uu ka baxay Marxuum […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka ayaa ka hadlay dilkii xalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Guddoomiyihii degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir Marxuum Dr. Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle).

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo Qoraaal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Qoyska, qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xeyle.

- Advertisement -

Saalax Dheere ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiyihii degmada Xamar-jajab ee la dilay uu kamid ahaa Aqoonyahanka Naftooda iyo qaqtigooda u huray in ay Shacabkooda u shaqeeyaan, kaasi oo xalay la toogtay.

“Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka Banaadir ee uu ka baxay Marxuumka. Waxaana Allaha ugu baryayaa in uu jannada Firdows ka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna eebe naga wada siiyo” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Kooxo hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ayaa xalay Gudoomiyihii degmada Xamar-jajab Maxamed Cabdi Axmed ku dilay, xili uu ku sugnaa deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho, iyagoona goobta ka baxsaday.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka Marxumka, waxaana xilka degmada uu haayay muddo kooban.

Latest stories