HomeCaalamkaGolaha Ammaanka oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Dal

Golaha Ammaanka oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Dal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin, isla markaana dalkaas loo direy 60 kormeere oo dusha kala socon doona meel-marinta go’aankan. Sidoo kale dowladda midnimada Qaran ee Liibya, ayaa loogu baaqay in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana loo dhan yahay 24 bish December ee […]

- Advertisement -

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin, isla markaana dalkaas loo direy 60 kormeere oo dusha kala socon doona meel-marinta go’aankan.

Sidoo kale dowladda midnimada Qaran ee Liibya, ayaa loogu baaqay in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana loo dhan yahay 24 bish December ee sanadkan.

- Advertisement -

Go’aanka golaha ammaanka ay codka aqlabiyad ah ku meel mariyeen ayaa ka dambeeyay soo jeedinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Libya ayaa deganaansho la’aan ku jirtay tan iyo 2011, kolkaas oo xukunka xoog looga tuuray hogaamiyihii dalkaas Macamar Al Qaddafi.

Dowladda Ruushka, ayaa dalkeeda ka ceyrisay 10 diblomaasi oo Mareykan ah ka dib markii Washington cunaqabateyn dhaqaale ay ku soo rogtay Moscow, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

- Advertisement -

Sergey Lavrov, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid ay kaga aargoosanayaan Mareykanka, isla markaana dhankooda xayiraado ku soo rogayaan shirkadaha waa weyn ee Mareykanka qaarkood.

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay in uu faragelin ku sameeyay doorashada Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray dalka Ruushka.

Latest stories