HomeWararAxmed Madoobe “Farmaajo waxaa u muuqda kursiga kaliya God Madow ayuu dalka...

Axmed Madoobe “Farmaajo waxaa u muuqda kursiga kaliya God Madow ayuu dalka ku wadaa”

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ayaa ka hadlay muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday Farmaajo. Madaxweyne Axmed Mdoobe ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin sharci Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday u ogolaanaya inay muddo kordhin laba sanno ah u sameeyaan hay’addaha dowladda, uuna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ayaa ka hadlay muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday Farmaajo.

Madaxweyne Axmed Mdoobe ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin sharci Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday u ogolaanaya inay muddo kordhin laba sanno ah u sameeyaan hay’addaha dowladda, uuna go’aankaas yahay mid sharci darro ah.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in xiligii la ansixinayay heshiiskii 17-kii Sep lagu gaaray Muqdisho ay si wadajir ah u ansixieen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, wuuxuna sheegay in Golaha Shacabka uusan awood u laheyn inuu Go’aan ka gaaro dalka.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo  ku eedeeyay in dalka Soomaaliya uu kusii ridayo God madow, ayna tahay in la iska qabto, hayeeshee haddii arrintaas ay dhici weydo uu dib u noqonayo dalka.

”Madaxweynaha xiligiisu dhammaaday haddii aan maanta laiska qaban wadankaan dib ayuu noqonayaa meel kale ayuu tagayaa, maanta waxaad ogtihiin in reer Muqdisho ay cabsi ku jiraan”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlaayay Munaasabad xalay lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Sidoo kale Mdaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka kuool Caasimadda dalka ee Muqdisho ay heystaan dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan cabsi badan, isagoona uga mahadceliyay shacabka dul-qaadka ay muujinayaan, iyagoona og wixii lasoo maray.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Carabka ku dhuftay in Farmaajo uusan rabin in dalka ay ka dhacdo doorasho xor, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha uu u muuqdo oo kaliya kursiga uu ku fadhiyo oo markii hore ku yimid doorasho xor ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts