HomeWararPuntland oo si kulul uga Jawaabtay hadalkii Madaxweyne farmaajo

Puntland oo si kulul uga Jawaabtay hadalkii Madaxweyne farmaajo

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maamulka Puntland ayaa si kulul ugu jawaabay hadalkii madaxweyne Farmaajo, kaasi oo uu ku sheegay in maaamulada Puntland iyo Jubbaland caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada. Qoraal uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu sheegay in farmaajo uu wado marin habaabin busho iyo in uu khiyaaneyay shirkii Afisyooni. “Madaxweynaha Wakhtigu […]

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa si kulul ugu jawaabay hadalkii madaxweyne Farmaajo, kaasi oo uu ku sheegay in maaamulada Puntland iyo Jubbaland caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu sheegay in farmaajo uu wado marin habaabin busho iyo in uu khiyaaneyay shirkii Afisyooni.
“Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay! Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dowladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhacay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay”Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Qoraalka oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxaa uu inta ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu si ku tala gal ah shirkii Afisyooni u fashiliyay, waxaana uu sheegay in dhowr maal mood ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland in shirka dib la isugu soo laabto, balse taasi uu diiday Madaxweyne Farmaajo.”Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal diyaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna markiiba waadigii amray in la baahiyo in Shirka Fashilmay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fashilin” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Latest stories