HomeCaalamkaMasar iyo Jabuuti oo ka wada-hadlay Muranka GERD iyo Deganaanshaha Geeska Africa

Masar iyo Jabuuti oo ka wada-hadlay Muranka GERD iyo Deganaanshaha Geeska Africa

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Madaxweynaha Masar, C/Fatax El-sisi waxaa xalay Khadka Telefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xiriirka labadooda dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweyne El-sisi waxa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan dadka Reer Jabuuti.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen baahida loo qabo xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xireenka Ethiopia ee GERD, si looga baaqsado saamaynta xun ama taban (Negative Impact) ee wax u dhimaya Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha.

- Advertisement -

Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay baahida loo qabo in Heshiis dhamaystiran oo sharciyeysan laga gaaro Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia (GERD).
Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudan iyo Ethiopia ee ku aadan Biyo-xireenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Sudan ku eedeeyaan Dowladda Ethiopia fashilka Kulamadaasi.
Ethiopia waxay kaloo sheegtay inay buuxinta Biyaha ee Biyo-xireenka dhamaystiri doonaan bisha July haddii Heshiis la gaaro iyo haddii kaleba.

Latest stories