HomeCaalamkaWeerar lagu qaaday Markab xamuul siday iyo Faah faahin laga helay

Weerar lagu qaaday Markab xamuul siday iyo Faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Markab laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo MV The Hyperion Ray ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay galab lagu weeraray Biyaha dalka Imaraadka Carabta meel ka baxsan Gacanka Oman.

Telefishinka Lubnaan ee Al Mayadeen ee taabacsan Ururka Xisbullaahi ayaa sheegay in Markabka lagu rasaaseeyey meel ku dhow Imaaradda Fujairah ee Gacanka Oman (came under fire near the emirate of Fujairah in the Gulf of Oman).

- Advertisement -

Markabka Xamuulka ee la weeraray ayaa waxaa la sheegay inay leedahay Shirkadda Israel ee lagu magacaabo Ray Shipping company iyo Ganacsadaha Israel ee Rami Ungar.

Markabkaasi ayaa waxaa lixdii sano ee la soo dhaafay uu ku safrayey ama ka dul-babanayo Calanka Jazaa’irka Bahama (has been sailing under a Bahaman flag for six years).

Wararku waxay sheegayaan in Markabka shalay galab la weeraray uu dhaawac fudud ka soo garay qeybta ka sareyso Laynka Biyaha (damage above its waterline).

- Advertisement -

Lama soo sheegin wax dhaawac oo Badmaaxiinta soo gaaray, mana muuqato inuu Markabku u baahan yahay inuu dib ugu laabto Deked, si loo dayactiro.

Wakaalladda Wararka Unews Agency ee taabacsan Iran waxay soo werisay labo maalmood ka hor inta aan Markabkaasi la weerarin inuu ku sugnaa Dekedda lagu magacaabo The Mina Al-Ahmadi Port ee dalka Kuweyt.

Warbaahinta Carabta waxay soo weriyeen in Markabka Israel ee MV The Hyperion lala helay Gantaal Iraani ah, balse, ma jiraan warar xaqjiinayo arrintaasi. Dowladda Iran weli dhabarka uma ridanin mas’uuliyadda weerar lala beegsaday Markabka  MV The Hyperion Ray ee Israel.

Latest stories