HomeCaalamkaWeerar lagu qaaday Markab xamuul siday iyo Faah faahin laga helay

Weerar lagu qaaday Markab xamuul siday iyo Faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Markab laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo MV The Hyperion Ray ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay galab lagu weeraray Biyaha dalka Imaraadka Carabta meel ka baxsan Gacanka Oman. Telefishinka Lubnaan ee Al Mayadeen ee taabacsan Ururka Xisbullaahi ayaa sheegay in Markabka lagu rasaaseeyey meel ku dhow Imaaradda Fujairah ee Gacanka Oman (came under […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Markab laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo MV The Hyperion Ray ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay galab lagu weeraray Biyaha dalka Imaraadka Carabta meel ka baxsan Gacanka Oman.

Telefishinka Lubnaan ee Al Mayadeen ee taabacsan Ururka Xisbullaahi ayaa sheegay in Markabka lagu rasaaseeyey meel ku dhow Imaaradda Fujairah ee Gacanka Oman (came under fire near the emirate of Fujairah in the Gulf of Oman).

- Advertisement -

Markabka Xamuulka ee la weeraray ayaa waxaa la sheegay inay leedahay Shirkadda Israel ee lagu magacaabo Ray Shipping company iyo Ganacsadaha Israel ee Rami Ungar.

Markabkaasi ayaa waxaa lixdii sano ee la soo dhaafay uu ku safrayey ama ka dul-babanayo Calanka Jazaa’irka Bahama (has been sailing under a Bahaman flag for six years).

Wararku waxay sheegayaan in Markabka shalay galab la weeraray uu dhaawac fudud ka soo garay qeybta ka sareyso Laynka Biyaha (damage above its waterline).

- Advertisement -

Lama soo sheegin wax dhaawac oo Badmaaxiinta soo gaaray, mana muuqato inuu Markabku u baahan yahay inuu dib ugu laabto Deked, si loo dayactiro.

Wakaalladda Wararka Unews Agency ee taabacsan Iran waxay soo werisay labo maalmood ka hor inta aan Markabkaasi la weerarin inuu ku sugnaa Dekedda lagu magacaabo The Mina Al-Ahmadi Port ee dalka Kuweyt.

Warbaahinta Carabta waxay soo weriyeen in Markabka Israel ee MV The Hyperion lala helay Gantaal Iraani ah, balse, ma jiraan warar xaqjiinayo arrintaasi. Dowladda Iran weli dhabarka uma ridanin mas’uuliyadda weerar lala beegsaday Markabka  MV The Hyperion Ray ee Israel.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts