HomeCaalamkaMuhaajiriin farabadan oo kasoo cararay Dagaalo oo ku le’day Badda

Muhaajiriin farabadan oo kasoo cararay Dagaalo oo ku le’day Badda

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Ugu yaraan 42 qof ayaa geeriyooday markii doon ay maamulaan tahriibiyeyaal oo sidday 60 muhaajiriin ah oo kasoo cararay dagaalka Yemen ay gaddoontay ayada oo kusii jeeda Jabuuti, saacadihii hore ee Isniintii. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM oo xogtan shaaciyey ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Sidoo kale ma cadda sabbata […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 42 qof ayaa geeriyooday markii doon ay maamulaan tahriibiyeyaal oo sidday 60 muhaajiriin ah oo kasoo cararay dagaalka Yemen ay gaddoontay ayada oo kusii jeeda Jabuuti, saacadihii hore ee Isniintii.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM oo xogtan shaaciyey ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Sidoo kale ma cadda sabbata keentay in doonta ay gaddoonto.

- Advertisement -

Sanad kasta, tobanaan kun oo ah muhaajiriin da’yar oo African ah oo kasoo jeeda gobolka ayaa gala safar halis badan oo ay kaga tagayaan Soomaaliya iyo Ethiopia, ayaga oo sii maraya Jabuuti iyo Yemen, si ay u gaaraan dalalka Khaliijka oo ay ka raadinayaan nolol wanaagsan.

Cudurka COVID-19 ayaa ku qasbaya kuwa badan oo ayaga oo ka mid ah inay dalalkooda kusoo laabtaan sababo la xiriira xuduudaha dalalka Khaliijka oo la xiray.

Ayada oo ay jirto halistan, haddana waxaa weli sare usii kacaya muhaajiriinta imaanaya Jabuuti. Bishii March, qiyaastii 2,343 oo muhaajiriin ah ayaa ka yimid Yemen, taasi oo ka badan tirada bishii Febraayo oo aheyd 1,900.

- Advertisement -

Badankood waxay isku dayayeen inay ku laabtaan dalalkooda Ethiopia iyo Soomaaliya.

Bishii tagtay, tahriibiyayaal ayaa doon ka tuuray 80 qof, meel u dhow xeebaha Jabuuti, waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof.

Latest stories