HomeWararXildhibaanada G/Shacabka oo Maanta kulan ka yeelanaya Mooshinka Doorashada

Xildhibaanada G/Shacabka oo Maanta kulan ka yeelanaya Mooshinka Doorashada

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka, loona diray Xildhibaanada.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulankaas, si looga doodo Ajendaha horyaalla.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa ka maqnaan doona 15-Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka ganaaxay fadhiyada Baarlamaanka, kadib markii lagu eedeeyay inay fowdo ka sameeyeen Xarunta Golaha.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in kulanka uu ka bilowdo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen in Guddoonka uu doonayo in muddo kordhin uu u sameeyo hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka horyimid qorshaha lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyay Baarlamaanka iyo Farmaajo, iyagoo ka digay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid dalka uga sii dari karta xaaladda Cakiran ee uu ku jiro.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories