HomeWararCiidamo gadoodsan oo la wareegay Kantaroolada Magaalada Gaalkacyo

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Kantaroolada Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wreegeen Kantaroollada laga soo galo Magaaladaas. Ciidanka oo ah kuwo aad u farabadan ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo gadoodsan, isla markaana ay ka cabanayaan Mushaar la’aan bilooyinkii […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wreegeen Kantaroollada laga soo galo Magaaladaas.

Ciidanka oo ah kuwo aad u farabadan ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo gadoodsan, isla markaana ay ka cabanayaan Mushaar la’aan bilooyinkii ugu dambeeyay soo wajahday oo aysan heli xuquuqdii ay lahaayeen.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay qabsadeen saddexda Koontarool ee laga soo galo koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo haatan aysan ku sugan yihiin halkaas.

Sidoo kale dadka ayaa ku warramay in Ciidamada oo ah kuwo wata gaadiidka nooca dagaalka ay xireen isku socodka gaadiidka, isla markaana ay diidayaan in gaadiid ka baxo ama soo galo Magaalada.

Ilaa iyo hadda Saraakiisha Ciidanka Galmudug ayaa ka hadlin Ciidanka la wareegay saakay Kantaroollada laga soo galo Gaalkacyo, hayeeshee waxaa la tilmaamay inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in Ciidanka dib loogu celiyo xeryahooda.

Latest stories