HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Magaalada Baydhabo

Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, uuna isku qarxiyay Maqaayad shaaxa laga cabo oo ku taalla Baydhabo.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas dhacay, isla markaana waxaa lala eegtay Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan oo fadhiyay Maqaayada iyo dad kale oo shacab ah.

Afhayeen Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu shaaciyay in ugu yaraan qaraxa ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad, uuna ka badbaaday Guddoomiye Cali Wardheere.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray halkaas, iyagoona sameeyay baaritaano ku aadan qaraxaas oo sidoo kale geystay burbur hantiyadeed.

- Advertisement -

Si kastaba Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa horey uga dhacaya qaraxyo Is-miidaamin ah, waxaana inta badan Mas’uuliyada qaraxyadaas dhacay sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories