HomeWararSheekh Shariif oo farriin u diray Madaxweyne Geelle oo la doortay

Sheekh Shariif oo farriin u diray Madaxweyne Geelle oo la doortay

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle. Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayuu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas, isagoona helay Codad gaaraya 98.41% codadkii […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayuu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas, isagoona helay Codad gaaraya 98.41% codadkii dadweynaha Jabuuti.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariifka ayaa Madaxweyne Geelle Alle uga baryay inuu la garab galo xilka culus ee shacabka Jabuuti u doorteen, isla markaana u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti walaalkeen Ismail Omar Guelleh oo markii shanaad loo doortay inuu sii hogaamiyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxaan leeyahay Allaha kula garab galo xilka culus ee shacbiga Jabuuti ay kuu doorteen, waxaana u rajeynayaa guud ahaan Jabuuti horumar iyo barwaaqo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Latest stories