HomeCaalamkaMadaxweynaha Masar oo digniin u diray dalka Itoobiya

Madaxweynaha Masar oo digniin u diray dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in khiyaar kasta uu u furan yahay ka dib markii ay fashilmeen wada hadaladii u dhexeeyay ka socday dalka Congo oo ku saabsanaa khilaafka ka dhashay biyo xireenka webiga Nile ee Itoobiya dhistay.

“Waxaan walaalaha Itoobiya u sheegayaa in aysan na gaarsiin in hoos u dhacaan xaddiga biyaha webiga ee Masar heli jirtay haddii kale waxaa noo furan khiyaar walba,” ayuu yiri madaxweyne el-Sisi.

- Advertisement -

Wufuud ka kala socota dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa shir ku yeeshay  caasimadda dalka Congo ee Kinshasa, iyadoo dhex dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ku guuldareysteen in ay is faham dhex dhigaan  dhinacyada is ku haya biyo xireenka webiga Nile.

Dhinaca kale, wasiirka waraabka dalka Suudaan ayaa soo saaray digniin Arbaca, isagoo sheegay in dalkiisa uu ka taagan yahay mowqif adag saamiga biyaha webiga Nile, waxaana uu xusay in loo baahan yahay dhinacyo kale soo farageliyo arrintan.

Yasser Cabaas, ayaa sheegay in Suudaan ay heysato khiyaaraad ay kamid yihiin in qadiyadda la geeyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay haddii Itoobiya dib u bilowdo buuxinta biyo xireenka.

- Advertisement -

Itoobiya ayaa bilwoday dhismaha biyo xireenka weyn 2011 waxaana uu ahaa xudunka khilaafka dalalkan tan iyo waagaas.

Wasiirka biyaha  Itoobiya Seleshi Bekele ayaa warfidiyeenka u sheegay Arbacadii shalay in Itoobiya sii wadayso buuxinta biyo xireenka xilli roobaadka soo aadan.

Latest stories