HomeWararMadaxda Maamul Goboleedyada oo lagu amray in aysan ka bixi karin  Muqdisho

Madaxda Maamul Goboleedyada oo lagu amray in aysan ka bixi karin  Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo  Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta UN-ka ee Xalane. Shirka oo ku soo aaday saacado kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni, waxaana warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle […]

- Advertisement -

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo  Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta UN-ka ee Xalane.

Shirka oo ku soo aaday saacado kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni, waxaana warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed  ay eedda saareen Jubbaland iyo Puntland.

- Advertisement -

Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadoda ugu laabtaan, balse xubnaha Beesha Calamka ayaa diideen dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu wargeliyay cidii shirka ka baxda loo aqoonsan doono qaswade.

Dhanka kale wakiilada beesha caalamka ayaa la filayaa inay maanta arkaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayna kala hadlaan arrimaha taagan ee la xariira fashilkii ku yimid hsirkii Afisyooni.

Latest stories