HomeWararImaaraadka oo Somalia u soo diraya shixnad Gargaar

Imaaraadka oo Somalia u soo diraya shixnad Gargaar

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay bilaabayaan Duullimaadyo dhanka Hawada oo Somalia lagu soo gaarsiin doono Gargaar Aadminimo. Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalkaasi, Dr. Maxamed Catiiq  Al-Falaxi ayaa sheegay inay soo dirayaan  4 Diyaarado wada Gargaar, si wax looga qabto guud ahaan Xaalladda Aadminimo ee Somalia ka jirta. Waxa […]

- Advertisement -

Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay bilaabayaan Duullimaadyo dhanka Hawada oo Somalia lagu soo gaarsiin doono Gargaar Aadminimo.

Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalkaasi, Dr. Maxamed Catiiq  Al-Falaxi ayaa sheegay inay soo dirayaan  4 Diyaarado wada Gargaar, si wax looga qabto guud ahaan Xaalladda Aadminimo ee Somalia ka jirta.

- Advertisement -

Waxa uu xusay in Barnaamijka Gargaarka Aadminimada qeyb ka yahay dadaalkaaaa socd ee wax looga qabanayo dhibaatada Aadminimo ee Somalia iyo xoojinta awoodda kuwa ay waxyeelladu ka soo gaartay xaalladda Aadmino ee Somalia.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalkaasi, Dr. Maxamed Catiiq  Al-Falaxi waxa uu tilmaamay inay Imaraadka garab taagan yihiin Walaalaha Soomaalida ee ku daruufaysan guud ahaan Somalia.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska  Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka ku leedahay Somalia waxa lagu qeexay in Gargaarka ku soo fool leh Somalia la gaarsiin doono dadka Barakacayaasha ee ku nool Jubbaland, Puntland iyo Somaliland.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee,  Diyaaradaha wada Shixnadaha Gargaarka ee ay Imaraadka u soo dirayaan Somalia ayaa la filayaa inay Somalia soo gaaraan Ka hor Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay inaga xigto dhowr maalmood Insha Allaah.

Latest stories