HomeCaalamkaIdriss Deby oo markii lixaad qarka u saaran in uu noqdo madaxweynaha...

Idriss Deby oo markii lixaad qarka u saaran in uu noqdo madaxweynaha Chad

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Dadka wadanka Chad ayaa maalinta Axadda ah ee soo socota u dareeri doona goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha, halkaas oo madaxweynene Idriss Deby oo xukunka dalkaas hayay 31 sano uu raadinayo in mar kale lix sano la doorto. Tilmaamaha doorashadan ayaa muujinaya in Deby uu mar kale ku guuleysan doono, maadaama u cabsi galin iyo xabsi […]

- Advertisement -

Dadka wadanka Chad ayaa maalinta Axadda ah ee soo socota u dareeri doona goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha, halkaas oo madaxweynene Idriss Deby oo xukunka dalkaas hayay 31 sano uu raadinayo in mar kale lix sano la doorto.

Tilmaamaha doorashadan ayaa muujinaya in Deby uu mar kale ku guuleysan doono, maadaama u cabsi galin iyo xabsi iskugu daray xubnaha mucaaradka ugu waaweyn ee la tartamaya.

- Advertisement -

Bishii hore waxaa tartanka doorashada madaxweynaha ka baxay Saleh Kebzabo oo ahaa musharraxii ugu cad-cadaa mucaaradka, kaddib markii ciidanka ammaanka ay dileen laba qof xilli ay wadeen howlgal ay ku xirayeen Yaya Dillo oo isna ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Idriss Deby oo ah 68-jir ayaa inqilaab xukunka dalkaas ugala wareegay madaxweynihii ka horreeyay Hissene Habre bishii December ee 1990, wuxuuna dhow jeer ka bad-baaday afgami ay qorsheeyeen jabhado iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dalkaas.

Latest stories