HomeCaalamkaDowladaha Masar iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Dowladaha Masar iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Dowladaha Masar iyo Uganda ayaa kala saxiixday inay iska kaashaadaan arrimaha sirdoonka milateriga, sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca dalka Uganda. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo khilaafka  wabiga Nile cirka isku sii shareeray maalmihii lasoo dhaafay kadib marki ay fashil ku dhamaadeen wada hadaladii u dhaxeeyay wadamada Masar, Suudaan iyo Itoobiya. Generaal Saamix Saabir oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladaha Masar iyo Uganda ayaa kala saxiixday inay iska kaashaadaan arrimaha sirdoonka milateriga, sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca dalka Uganda.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo khilaafka  wabiga Nile cirka isku sii shareeray maalmihii lasoo dhaafay kadib marki ay fashil ku dhamaadeen wada hadaladii u dhaxeeyay wadamada Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

- Advertisement -

Generaal Saamix Saabir oo ka mid ahaa wafdigii Masar ee tegay Kampala ayaa sheegay inay lama huraan tahay iskaashiga Masar iyo Uganada isagoo tilmaamay in wixii Masar saameyn ku leh  ay sidoo kale saameynayaan Uganda.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa hore uga digay halista ka dhalan karta khilaafka ka jira wabiga Nile, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin inay waayaan  saamigooda biyaha wabiga.

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa walaac badan ka qaba mashruuca biya xireenka  Itoobiya, waxaana fashil ku dhamaaday dhowr shir oo la doonayay in xal looga gaaro saami qeybsiga biyaha wabiga Nile.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts