HomeWararCabdiraxmaan Caddaala:-"Aniga iyo madaxweyne Deni kama hadli karno lebbiska iyo Barafuunka Wasiir...

Cabdiraxmaan Caddaala:-“Aniga iyo madaxweyne Deni kama hadli karno lebbiska iyo Barafuunka Wasiir Dubbe”

Date:

Related stories

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni, isagoo sheegay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay mas’uul ka yihiin bur-burka wadahadaladii u socday Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboledyada dalka. Cabdiraxmaan Cadaala oo ka ka jawaabayay  hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Puntland […]

- Advertisement -

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni, isagoo sheegay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay mas’uul ka yihiin bur-burka wadahadaladii u socday Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboledyada dalka.

Cabdiraxmaan Cadaala oo ka ka jawaabayay  hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in aan xiligaan loo baahnayn in Fowdo la galiyo marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

- Advertisement -

Waxaana uu si gaar ah kaga hadlay hadalkii Deni ee ku aaddana in  War-saxaafdeedka uu Wasiir Dubbe akhriyay uu ahaa mid horay loo sii diyaariyay, “Aniga iyo madaxweyne Deni kama hadli karno lebbiska iyo Barafuunka Wasiir Dubbe, cid kale ayey tahay in ay ka hadasho”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii  Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu kaga hadlay eedeaha Dowladda dhexe ay u jeedisay isaga iyo Axmed Madoobe eek u aaddan in ay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Deni ayaana iska fogeeyay eedda Culus ee loo jeediyay waxaana uu carrabka ku dhuftay in wax waliba oo sababay fashilka shirkaasi uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Maxmed Farmaajo, isagoo sheegay in la isku mari waayay Ajandaha shirka, waxaana uu tilmaamay in Madaxdu ay Aadeen wadatashiyo ayna Nasiino u bexeen, balse ay ka war heleen hadalka kasoo yeeray Dowladda dhexe ee ahaa in shirkii fashil kusoo dhammaaday oo aan wax Natiijo ah laga gaarin.

Latest stories