HomeWararBeesha Caalamka oo Madaxda DFS iyo DG fartay inay Deg-deg ugu laabtan...

Beesha Caalamka oo Madaxda DFS iyo DG fartay inay Deg-deg ugu laabtan wada-hadalkii socday

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Saaxiibbada Caalamka ayaa sheegay in ku boorrinayaan Madaxda Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka inay si dhaqso ah ugu soo laabtaan wada hadalka, ayna gaaraan heshiis ku salaysan isku tanaasul, si loo xaqiijiyo fulinta heshiiskii habka doorasho ee 17-kii Sebtembar, una dhacdo doorasho lagu kalsoonyahay. Halkan ka akhriso bayaanka oo dhamaystiran: Hoos ka […]

- Advertisement -

Saaxiibbada Caalamka ayaa sheegay in ku boorrinayaan Madaxda Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka inay si dhaqso ah ugu soo laabtaan wada hadalka, ayna gaaraan heshiis ku salaysan isku tanaasul, si loo xaqiijiyo fulinta heshiiskii habka doorasho ee 17-kii Sebtembar, una dhacdo doorasho lagu kalsoonyahay. Halkan ka akhriso bayaanka oo dhamaystiran:

Hoos ka akhriso Qoralka kasoo baxay Beesha Caalamka

- Advertisement -

Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah. Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay’adaha ee Soomaaliya.

Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harasan, iyagoo u maraya isu-tanaasul. Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.

Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.

Latest stories