HomeWararWararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Shil Maanta ka dhacay Kenya

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Shil Maanta ka dhacay Kenya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ugu yaraan 20 qof ayaa geeriyooday, halka 14 qof kalena ay dhaawacmeen, kadib markii Maanta shil gaari uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa deegaanka Malindi iyo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Wararka aan ka heleyno halka uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 20 qof ayaa geeriyooday, halka 14 qof kalena ay dhaawacmeen, kadib markii Maanta shil gaari uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa deegaanka Malindi iyo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wararka aan ka heleyno halka uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid noociisa uu ahaa Bas oo ay saarnaayeen dad badan iyo gaari yar.

- Advertisement -

Guddoomiyaha dowladda Kenya ugu magacaaban Ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa waxaa uu sheegay in shilkaas dhacay uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana dadka dhintay ay ku jiraan shaqaale dowladeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Olaka inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan shilkaas ka dhacay wadada u dhexeeysa Malindi iyo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla gudaha Kenya, waxaana dadka qaarkood ay dhaawacyadooda yihiin kuwo culus, iyadoona uu burbur soo gaaray gaarigii yaraa.

- Advertisement -

Wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo Magaalada Mombasa ee Gobolka Xeebta ee Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Shilal gaari oo geystay khasaaro kala duwan, waxaan shilalkaas loo sabababeeyay darawalada oo gaadiidka xawaare ku waday.

Latest stories