HomeWararShirkii Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo Maanta dib u furmaya

Shirkii Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo Maanta dib u furmaya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Shirka u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Arbaco ah dib uga furmaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Shirkaan oo hordhac u ah Shirka guud ee Madaxda ayaa furmay maalintii sabtida aheyd ee todobaadkan, waxaana looga hadlaayay Ajendayaasha Shirka Wadatashiga Qaran ee dooorashada ee maalmaha soo […]

- Advertisement -

Shirka u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Arbaco ah dib uga furmaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo hordhac u ah Shirka guud ee Madaxda ayaa furmay maalintii sabtida aheyd ee todobaadkan, waxaana looga hadlaayay Ajendayaasha Shirka Wadatashiga Qaran ee dooorashada ee maalmaha soo socda furmi doona.

- Advertisement -

Shirka Madaxda ayaa la filayay inuu shalay dib u furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriira safar Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ku tegay Magaalada Dhuusamareeb, wallow uu dib u soo laabtay Muqdisho.

Labadii maalin ee uu socday Shirka u dhexeeyay Madaxda ayaa siweyn looga dooday shuruudo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku xireen ka qeyb galka shirarka looga hadlayo  doorashada dalka ka dhaceysa.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in dowladda Fedetaalka ay rajo wanaagsan ka qabto natiijada kasoo bixin doonta Shirka socda.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ku boggaadisay inay sii wadaan shirarka aan rasmiga aheyn, iyagoona u baaqay inay heshiis ka gaaraan doorashada iyo khilaafka taagan kahor bisha barakeysan ee Ramadaan.

Latest stories