HomeWararCiidanka Dowladda oo Maanta Dagaal kula wareegay degaano hor leh

Ciidanka Dowladda oo Maanta Dagaal kula wareegay degaano hor leh

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga qeybt 21-aad iyo Al-shabaab uu ka ka socdo halkaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen labi-dulle iyo dhabana-dhulkuheys, isla markaana waxaa dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadisa kala duwan.

Dad ayaa ku warramay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin inta uu yahay, maadaama aaga aan laga aqdhawaan karin, lana maqlayo rasaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab ay kala wareegeen deegaanada labi-dulle iyo dhabana-dhulkuheys oo ay ku lahaayeen fariisimo, iyagoona sheegay Saraakiisha in halkaas ay shabaabka weeraro kasoo qaadi jireen.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kwua Galmudug ay la wareegeen deegaanka Sinadhaqo iyo tuulooyin kale oo hoostega Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas shalay booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories