HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Markab kale oo ku ciladoobay Kanaal Suweys

Wararkii ugu dambeeyay Markab kale oo ku ciladoobay Kanaal Suweys

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Warbaahinta dalka Masar ayaa maanta oo Talaado ah waxaa shaacisay in Markab nooca Xamuul ay cillad ku qabsatay Marinka mashquulka badan ee Kanaalka Suweys ee dalka Masar. Markabka oo lagu magacaabo MV RUMFORD oo dalka Talyaaniga laga leeyahay ayaa waxaa la sheegay inay cillad Farsamo qabsatay, xilli uu ka sii gudbayey Marinkaasi. Markabka MV RUMFORD […]

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Masar ayaa maanta oo Talaado ah waxaa shaacisay in Markab nooca Xamuul ay cillad ku qabsatay Marinka mashquulka badan ee Kanaalka Suweys ee dalka Masar.

Markabka oo lagu magacaabo MV RUMFORD oo dalka Talyaaniga laga leeyahay ayaa waxaa la sheegay inay cillad Farsamo qabsatay, xilli uu ka sii gudbayey Marinkaasi.

- Advertisement -

Markabka MV RUMFORD waxaa la dhisay sanadkii 2012-kii, wuxuuna ku safraa Calanka Talyaaniga. Lama soo sheegin inuu Markabku sababay hakad ku yimid Maraakiibta isticmaasha Kanaalka Suweys ee isku-xira Badda Cas iyo Badda Mediterrean Sea.

Shabakadda Cairo 24 ayaa qortay inay Ilo-wareedyo u sheegeen in Markab nooca Shidaalka ku joogsaday KM-ka 133-aad ee tirsiga Maraakiibta, isla markaana loo diray Dooni nooca Tugboat ee Maraakiibta jiida.

Shabakaddu waxay qortay in Markabkaasi la filayo in loo soo jiito Harada Biyaha Milixda leh Bitter Lake ee isku xirta Badda Mediterranean Sea iyo Kanaalka Suweys.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo la hadlay Telefishinka CNBC Arabia waxay sheegeen inuu Maamulka Kanaalka Suweys beeniyeen wararka la isla dhex marayo inuu Markabkaasi xayiray Dhaqdhaqaaqii isku-socodka ee Kanaalka, kadib, markii uu mid ka mid ah Matoorada Markabka uu shaqadii gabay.

Maamulka Kanaalka ayaa waxay xaqiijiyeen in Xaalladda wax laga qabtay, lana cillad bixiyey Markabkaasi oo ah nooca Booyadlaha shidaalka oo waday Batrool lagu qiyaasay 6 Tan.

Latest stories