HomeWararSoomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga gacansiga ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga gacansiga ee labada dal

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS  Khaliif Cabdi Cumar oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz. Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u […]

- Advertisement -

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS  Khaliif Cabdi Cumar oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz.

Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee TEPA kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga labada wadan. Waxaana ay isla-garteen dhisidda guddi farsamo oo ka shaqeysa saxar-tiridda iyo dhammeystirka heshiiskaasi ka hor inta aan la saxiixin.

- Advertisement -

Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga.

Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama oo muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaas.

Ambassador Mahmet Yilmaz, ayaa dhankiisa wuxu Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu ku boggaadiyey dedaalka uu ugu jiro horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka dawlad ahaan ay ka go’an tahay inay mar walba bar-taagnaadaan walaalahooda Soomaaliya isaga oo carabka ku adkeeyey in heshiiska TEPA uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Latest stories