HomeCaalamkaFaah faahinno dheeraad ah oo kasoo baxaya Diyaarad Milliteri oo ku burburtay...

Faah faahinno dheeraad ah oo kasoo baxaya Diyaarad Milliteri oo ku burburtay Sudaan

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Ciiddanka Sudan ayaa lagu sheegay inay Diyaarad Helikopter ah maanta ku burburtay Gobalka Niilka Cad (The White Nile State). Diyaaradaasi ayaa burburtay, xilli ay Duullimaad Tababar ku jirtay, waxayna ku burburtay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Kenana Airbase, iyadoo dhamaan shaqaalihii Diyaaradaasi ay ka badbaadeen shilkaasi. Shilkaasi waxa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Ciiddanka Sudan ayaa lagu sheegay inay Diyaarad Helikopter ah maanta ku burburtay Gobalka Niilka Cad (The White Nile State).

Diyaaradaasi ayaa burburtay, xilli ay Duullimaad Tababar ku jirtay, waxayna ku burburtay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Kenana Airbase, iyadoo dhamaan shaqaalihii Diyaaradaasi ay ka badbaadeen shilkaasi.

- Advertisement -

Shilkaasi waxa uu noqonayaa kii 2-aad oo Diyaarad Helikopter oo ay  Ciiddanka Sudan leeyihiin ay burburto dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Bishii Janayo 16-dii ee sanadkan, Diyaarad Helikopter oo nooceedu ahaa (Apache Attack Helicopter) ayaa ku burburtay Bariga dalkaasi, una dhow Xuduudka Ethiopia.

Diyaaradda oo waday shixnad hub iyo rasaas ayaa burburtay, wax yar kadib, markii ay ka hinqatay Garoonka Diyaaradaha ee Wadi Zayed oo ka tirsan Degmadda Al-showak ee Gobalak Al-qardif.

- Advertisement -

Saddex Duuliye oo la socotay Diyaaradaasi wey ka badaadeen shilkaasi.

Ma kala cadda sababta ay Diyaaradda u burburtay, inkastoo ay Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA xilligaasi baahisay inay Diyaaraddu burburtay, isla markii ay ka kacday Garoonkaasi.

Ustaad Nuradin

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts