HomeWararXildhibaanada Golaha Shacabka oo Goor dhow ansixiyay laba xubnood

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goor dhow ansixiyay laba xubnood

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, U codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeenka ayaa kulankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 139 Xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, kuwaasi oo kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza

136 Xildhibaan ayaa ogolaaday in labada xubnood ay ka mid noqdaan Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, waxaana diiday saddex Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay Guddoomiye Mursal.

Kulanka ayaa waxaa ka maqan 15 Xildhibaan oo horey Guddoomiye Maxamed Mursal la joojiyay ka qeyb galka kulamada Baarlamaanka, kadib markii Xildhibaanada ay sameeyeen fowdo iyo buuq kulankii sabtida.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories