HomeWararMadaxda M/Goboleedyada taagersan Dowladda oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxda M/Goboleedyada taagersan Dowladda oo kulan gaar ah yeeshay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada taagersan dowladda Federaalka ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka ay wada qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada 2021. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada taagersan dowladda Federaalka ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ay wada qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada 2021.

- Advertisement -

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow oo ka hadlaayay kulanka Madaxda ayaa waxaa uu sheegay in saddexda Madaxweyne ay ka arrinsadeen sidii loo xalin lahaa khilaafka doorashada.

Inta uu socday kulanka ayaa dhiancyada isla soo hadal qaadeen sida looga gudbi karo caqabadaha heysta Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay shuruudo ku xireen ka qeyb galkiisa.

Madaxda maamulada dalka ayaa dhawaan is faham ka gaaray shuruudaha Puntland iyo Jubbaland ku xireen Shirka Wadatashiga, hayeeshee Madaxda ayaa isku fahmi waayay qodobka ah Ajendaha Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaran doorashada dhaceysa, isla markaana doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts