HomeWararMadaxda M/Goboleedyada taagersan Dowladda oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxda M/Goboleedyada taagersan Dowladda oo kulan gaar ah yeeshay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada taagersan dowladda Federaalka ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka ay wada qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada 2021. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada […]

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada taagersan dowladda Federaalka ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ay wada qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada 2021.

- Advertisement -

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow oo ka hadlaayay kulanka Madaxda ayaa waxaa uu sheegay in saddexda Madaxweyne ay ka arrinsadeen sidii loo xalin lahaa khilaafka doorashada.

Inta uu socday kulanka ayaa dhiancyada isla soo hadal qaadeen sida looga gudbi karo caqabadaha heysta Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay shuruudo ku xireen ka qeyb galkiisa.

Madaxda maamulada dalka ayaa dhawaan is faham ka gaaray shuruudaha Puntland iyo Jubbaland ku xireen Shirka Wadatashiga, hayeeshee Madaxda ayaa isku fahmi waayay qodobka ah Ajendaha Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaran doorashada dhaceysa, isla markaana doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay.

Latest stories