HomeWararAxmed Madoobe iyo Deni oo Caawa kulan xasaasi ah la qaatay Beesha...

Axmed Madoobe iyo Deni oo Caawa kulan xasaasi ah la qaatay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Caawa kulan gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka. Kulanka u dhexeeyay dhinacyada ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka Soomaaliya ka dhacaya gaar ahaan khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada oo aan weli laga heshiin. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Caawa kulan gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka u dhexeeyay dhinacyada ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka Soomaaliya ka dhacaya gaar ahaan khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada oo aan weli laga heshiin.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka  aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee  uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ee la filayo inuu ka dhacdo Teendhada Afisyooni, iyagoona shuruudo ku xiray shirkaas, xili Madaxda maamul Goboleedyada ay is fahmi waayeen.

Beesha Caalamka ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo kala hadlay dardar-gelinta dhameystirka heshiiskii 17-kii September 2020.

Latest stories