HomeCaalamkaIn ka badan 320 Markab oo maalintii 6-aad ku Go’doonsan Kanaalka Suweys

In ka badan 320 Markab oo maalintii 6-aad ku Go’doonsan Kanaalka Suweys

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

321 Markab ayaa sugaya inay Transit ahaan kaga dusaan Kanaalka Suweys, iyadoo weli lala tacaalayo sidii loo jiidi lahaa Markabka weyn ee MV Ever Given oo xanibay labada dacal ee Kanaalkaasi. Madaxa Maamulka Kanaalka Suweys, Sarreeye Guute Osama Rabiici oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Ismaaciiliyah waxa uu sheegay in guud ahaan 321 Markab […]

- Advertisement -

321 Markab ayaa sugaya inay Transit ahaan kaga dusaan Kanaalka Suweys, iyadoo weli lala tacaalayo sidii loo jiidi lahaa Markabka weyn ee MV Ever Given oo xanibay labada dacal ee Kanaalkaasi.

Madaxa Maamulka Kanaalka Suweys, Sarreeye Guute Osama Rabiici oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Ismaaciiliyah waxa uu sheegay in guud ahaan 321 Markab ku xayiran yihiin Waqooyiga iyo Koonfurta Kanaalka ee uu ku dhamaaday Harada u dhow Ismaaciiliyah.

- Advertisement -

“Xaalladu waa mid cakiran, waayo Markabka Kontaynarka Xambaaraha ee MV Ever Given waa mid aad uga dheer ballaca Kanaalka” ayuu yiri Osama Rabiici.

Markabkaasi oo leh Shirkadda Japanese-ka ee Shoei Kisen KK, balse Calanka dalka Panama ku safrayey waxa uu Talaadadii hore xanibay dhamaadka Koonfureed ee Kanaalka, kadib, markii ay ku kaceen Dabaylo xooggan iyo Duufaan habaas ah (caught in strong winds and a sandstorm).

Markabka waxay dabayluhu bedeleen Jihadii uu ku wajahnaa, wuxuuna xanibay Labada Janbi ee Kanaalka.

- Advertisement -

Xayiraadaasi waxay sababtay Ciriiri dhanka Maraakiibta, iyadoo ay 321 Markab is-daba taxan yihiin labada janbi ee uu ku dhamaado Kanaalka oo dhererkiisu dhan yahay 193 KM ama 120 mile.

Madaxa Kanaalka Suweys waxa kale oo uu tilmaamay in 14 doonyaha wax jiida la hawl-geliyey, halka ay Hawlgalladda Gurmadka ay qodeen dhul ku filan si loo xoreeyo Marwaxadda Markabka ku xiran.

W/Q: Ustaad Nuradin

Latest stories