HomeWararXildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya 

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya 

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo Cudurka ah.

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacanka ayaa waxaa goorsii horreeysay oo xalay aheyd loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan guud, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulankaas.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa inuu si rasmi ah kulanka uga furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay uga qeyb galaanka kulanka.

Kulanka Maanta ee Golaha ayaa waxaa uu kusii aadaya, iyada oo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid Cakiran, isla markaana aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin qabsoomida doorashada dhaceysa.

- Advertisement -

Baraha Bulshada ayaa waxaa siweyn Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ay ugu sheegeen inay shaki farabadan ka qabaan kulanka, iyagoona sheegay in laga cabsi qabsi qabo in dowladda  dalbato muddo kororsi, waxaana kulankaas uu yahay mid Maanta isha lagu wada haayo.

Latest stories