HomeCaalamkaSaraakiisha Afgembiga ku qabsaday Myanmar oo qabanaya doorasho

Saraakiisha Afgembiga ku qabsaday Myanmar oo qabanaya doorasho

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hogaamiyaha maamulka militariga ee dalka Myanmar ayaa carabka ku adkeeyay ballanqaad ah in ay qaban doonaan doorasho ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February. Janaraal Min Aung Hlaing ayaa ka hadlayay goob ay militariga ugu dabaaldagayeen maalinta ciidanka dalkaasi. Xafladda dabaaldaga ayaa waxay ka dhacday caasimada Myanmar ee, Naypyidaw. Waxaa uu intaa ku daray […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha maamulka militariga ee dalka Myanmar ayaa carabka ku adkeeyay ballanqaad ah in ay qaban doonaan doorasho ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February.

Janaraal Min Aung Hlaing ayaa ka hadlayay goob ay militariga ugu dabaaldagayeen maalinta ciidanka dalkaasi. Xafladda dabaaldaga ayaa waxay ka dhacday caasimada Myanmar ee, Naypyidaw.

- Advertisement -

Waxaa uu intaa ku daray in ficilada lagula kacay dibadbaxayaasha ay ahaayeen kuwa aan habooneyn.

Hasa yeeshee dadka ka soo horjeeda afgembiga oo ku baaqay dibadbaxyo waawayn ayaa waxaa ay militariga ugu hanjabeen in gacan bir ah lagu qaban doono.

Janaraalka hogaamiya maamulka militariga Mayanmar ayaa dhanka kale waxaa uu goobtii xuska lagu qabanayay uu ku soo dhaweeyay ciidmo Ruush ah , isaga oo Ruushka ku tilmaamay saaxibka dhabta ah ee Myanmar.

Latest stories